Hangoolnews.com
Xarumaha Dawlada oo Ka Biyo Diidey In Ay Shidaalka Ka Qaataan Kaalin uu Sameeyey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnew:–  Sida ku cad xoggo ay Heshay Warbaahintu ,ayaa sheegaya in baddiba Wasaaraddaha Iyo Haay’ddaha Dawladdu ay ku gacan-saydheen Qorshe uu soo dajiyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud,gaadiidka Iyo Guryaynta,kaas oo ahaa in dhamaan Gaadiidka kala duwan ee Dawladdu ay shidaalka ka qaataan kaallin Shidaal oo uu dhawaan xadhigga ka jaray,taas oo ahayd Kaalintii Dawladda oo inay shaqayso ay ugu danbaysay Markii ay Xukuumaddii Daahir Rayaale xilka wareejisay.

Sababta ugu weyn ee ay Wasaaraddaha iyo Haay’aduhu uga biyo-diideen,ayaa lagu sheegay inay tahay Mugdi badan oo ku jiro cidda dhab ahaan iska leh Kaalinta ee hadda maal-galisay.Waxa la sheegay inay ogaadeen Wasiirku uu si shaqsi ah u leeyahay Kaalinta,isla markaasna uu rabo innuu suuq-balaadhan uga sameeyo Gaadiidka aadka u tiradda badan ee ay Dawladdu is-ticmaasho,waxaana la sheegayaa innuu Wasiirku labbaddii sanno ee ugu danbeeyay uu qal-qaalo ugu jiray sidii uu ku heli lahaa kaalin shidaal,maadaama suuqa Shidaalka ee Dalku aad u shaqeeyo,isla markaasna uu helli karo macaamiil badan oo u badan Laamaha Dawladda.

Sida la og-yahay Labbo sanno ka hor,ayaa waxa Wasiir Cali-Mareexaan oo markaas Xildhibaan ahaa waxa u suura-gali weyday innuu Kaalin Shidaal iyo Super market weyn ka sameeyo Wajahadda Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,taas oo ku taageerayay Maayarka Hargaysa,balse waxa arrintaas si adag uga horyimid Wasiirka Caafimaadka Dr.Xaglotoosiye.

Wasaaraddaha iyo Laammaha Dawladda ee arrintan ka-biyo-diiday,ayaa la sheeyaa inay Masuuliyiinta Wasaaradda si cad ugu sheegeen in aannay qorshaas kusoo biiri Karin,maadama ay macmiil la’leeyihiin Kaalimmo gaar loo leeyahay oo ay Hadda Lacagtii Miisaaniyaddoodana gudbiyeen.Waxa kale oo ay intaas raaciyeen inay Kaalmaha Shidaalka ee gaarka loo leeyahay ay Daymo badan ku leeyihiin,isla markaasna ay ku adag tahay inay wakhti xaadirkan ka digo-rogtaan.

Source Oodweynenews

COMMENTS
Latest News