Hangoolnews.com
Ururka Daacish oo Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Caasimada Biljimka Ka Dib Sameeyey Arin La Yaab Leh
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Ururka la magic baxay dawlada islaamiga ah ee Daacish ayaa sameeyey arin la yaab badan ka dib qaraxyadii shalay ka dhacay dalka Biljimka,

Ururkan Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxay sameeyeen ka dib qaraxyadii shalay ka dhacay caasimada dalka biljimka arin la yaab ah iyaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin qaraxyadaasi waxaay qaybiyeen nac nac ay ugu talo galeen damaashaadka qaraxyadii gil gilay dalkaasi,

Qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 30 qof halka in ka badan 200 oo qof ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi,

Sawiro kala duwan oo ay soo dhigeen baraha bulshada ee ay isticmaalaan ururkaasi ayay soo dhigeen sawiro muujinaya caruur iyo dad kale oo ay qaybinayaan,

Daacish1 Daacish2 Daacish4

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News