Hangoolnews.com
Somaliland oo Ka Qayb Gashay Shir Caalamiya oo Lagaga Hadlayo Ammaanka Madaarada Adduunka
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Somaliland ayaa  ka qayb gashay shir caalami ah oo ka furmay caasimada dalka engiriiska ee London shirkaasi oo ujeedada lagaga hadlayay ay tahay amaanka madaarada caalamka,

Shirkan ayaa waxa kasoo qayb galay ku dhawaad 21 wadan oo ay ka mid tahay Somaliland iyada oo dhinaca Somaliland uu shirkaasi u matalayay maamulaha guud ee madaarka caasimada hargeysa Maxamed Yuusuf ismaaciil iyada oo dhanka kale ay dalalka kasoo qayb galay ay ka kala socdeen qaaradaha Yurub Africa iyo Aasiya,

Shirkan ayaa waxa ka qeyb galay dalal ka kala socday Yurub, Asia iyo Africa.Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal xalay niskii dambe ka soo baxay wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland, oo lagu sheegay inuu shirkaasi Somaliland matalayo Maamulaha madaarka Cigaal International ee Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Shirka ayaa waxa furey wasiirka gaadiidka xukumada dalka uk Mr.  Robert   Good Will waxaanu socon doonaa mudo sadex cisho ah,

“Intii uu socday waxaa halkaa lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey qaraxii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho, sidoo kale waxaa iyana lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyey    weererkii Karachi  Pakistan, waxaana la isla qaadaa dhigay sidii looga hor tagi lahaa weeraro noocan oo kale ah oo yimaada.”

Shirkan ayaa ah kii noociisa ee maamulka madaarka caasimada Hargeysa uu ka qayb galo,

Photo File Maamulaha madaarka Hargeysa

Photo File Maamulaha madaarka Hargeysa

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News