Hangoolnews.com
Muuse Biixi oo Mar kale Shir u Qabanaya Suldaankii Gacan ku Rimiska ahaa iyo Koox kale oo Waji Ku Macaash ah,
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxwayne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo badhi taageeraya suldaankii gacan ku rimiska ahaa ee uu todobaadkan gudahiisa caleemo saaray ayaa maalinta bari ah shir ugu qabanaya isaga iyo koox Kale oo waji ku macaash ah mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa,

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay isbarasho iyo is dhex gal loo qabanaayo Suldaankaasi siyaasada lagu caleemo saaray iyo kooxda kale oo Waji ku macaash ah laguna sheegaayo in ay taageero buuxda la garab istaagi doonaan ninkaasi la Cumaamadey ,

Geesta kale wararka hada soo gaadhaya shabakada Wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in maanta jaaliyada Beelaha Subeer Awal ee degan dalka Imaraadka carabta oo uu ka mid yahay Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi walaalkiisa ka wayn C/risaaq Suldaan Cabdilaahi ay kulan ku yeesheen Magaalada Dubai lagagana hadlayay faro galinta qaawan ee uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku hayo Saldanada Qadiimiga ah ee Subeel Awal,

Kulankan ay iskugu yimaadeen jaaliyada Subeer Awal ee ku dhaqan Imaratka ayaa intii uu socdey si toos ah loola soo xidhiidhay Muuse Biixi Cabdi iyada oo lagu wargaliyey in uu faraha kala baxo Saldanada,

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa markii lala soo hadlay waxa uu sheegay in aanu wax arin,talo,tusaale, iyo faro galin toona aanu ku hayn Saldanada Beesha Subeer Awal ee uu gadhwadeenka ka yahay Suldaanka guud ee beelahaaasi Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,

Dhinaca kale ayaa waxa dareen xoogan ka taagan yahay kulanka maalinta bari ah loo balan sanyahay iyada oo ciidamada Bilayska lagu amray in ay nabadgalyada ilaaliyaan waxana caawa gudaha Caasimada ciidanka boolisku ka bilaabeen Baadhitaanka baabuurta dhex maraysa Degmooyinka Ibraahim kood Buur iyo lix iyo labaatanka juun ee Magaalada Hargeysa,

Isu imaatinka ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu ka dhasho isku dhac mana jirto ilaa iyo haatan wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amaanka marka laga reebo ciidanka lagu daadiyey labada degmo ee kood buur iyo lix iyo labaatanka juun,

Hangoolnews.com

London/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News