Hangoolnews.com
Faysal Cali Waraabe oo Gaadhay Magaalada Burco iyo Maamulka Gobolka Togdheer oo Soo Dhaweeyey
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnew:–Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid eng faysal Cali Waraabe iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka togdheer,

Gudoomiyaha ayaa waxa magaalada Burco iyo deegaanada hoos yimaada waxa uu kala kulmay soo dhawayn aad u balaadhan iyada oo soo dhawayntaasi balaadhan ay ka soo qayb galeen  maamulka gobolka togdheer oo uu hor kacaayo badhasaabka gobolkaasi,

Waxaana sidoo kale soo dhaweeyey gudoomiyaha laanta xisbiga ucid ee Gobolka togdheer,

Faysal Cali Waraabe oo halkaasi hadalo kooban ayaa  u mahadnaqay dadwaynaha kala duwan ee reer togdheer isla markaana sida balaadhan u soo dhaweeyey,

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

” Waxaanu u nimid waxaa weeyaan , waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galayaan , iyo murashaxiin tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada ,.” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyahaa ayaa waxaa intaasi ku daray ” Intan kale ee lagu daray ee soo dhaweenta kumaanu talo galin , waa ku mahadsantihiin , annagu waanu soo dhameesannay soo dhaweenta iyo is dabayaacaas uma xiisoono moogtahay , markaa idinkaa is xilqaamay , lacagna soomaanaan dirin , xafladaasunbaanu u nimid , aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco , Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ,”

Ugu danbayn gudoomiye faysal Cali Waraabe ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la taakuleeyo dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu saameeyeeen.

1 2 3 4 6 7 8 9 11 12 13 7

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News