Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Cuqaasha Salaadiinta Iyo Aqoonyahanka Subeer Awal Oo Shir Uga Furmey Hotel Xaraf Iyo Nuxurka Shirkaasi Uu Daaran Yahay
March 22, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Cuqaasha salaadiinta waxgaradka iyo aqoonyahanka beelaha Subeer Awal ayaa hada shir deg deg ah iskugu yimi hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa iyada oo ujeedka shirkaasi daaran yahay sidii loogu garab istagi lahaa saldanada soo jireenka ah ee beelaha Subeer Awal ee uu gadhwadeenka u yahay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan taasi oo dhawaan gudoomiyaha xisbiga kulmiye faro galin qaawan ku sameeyey,

Dhanka kale wararka hor dhaca ah soo gaadhaya xafiiska warqabadka Hangoolnews ayaa sheegaya in shirkaasi kalsoonidii ay kagala noqdeen cuqaasha Beelaha Subeer Awal Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay u arkeen in uu  beeshaasi ka dhex wado isku dhac iyo isku hor keen

Waxii warar ah ee kasoo kordha kala soco Hangoolnws shirkaasi hada ka furmay Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News