Hangoolnews.com
Tirada Dhimashada Qaraxyadii Saaka Gil Gilay Caasimada Dalka Belguimka ee Brussels
March 22, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Waxaa manta labo Qarax oo aad u xooggan ay ka dhaceen garoonka Diyaaradaha caasimadda dalka Belguim-ka ee Brussels, waxaana qaraxyadan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka caafimaadka dalka Belguim-ka  ayaa sheegey in qarax ka dhacay Zaventem Airport ay ku dhinteen 11 qof, waxyar kaddibna 15 qof ayaa ku dhintey qarax ka dhacay Maelbeek Station qin dadka ku dhintay qaraxyadan ay hadda gaadhayaan 15-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey 81 qof. waxaana suurto gal ah in ay sii kordhaan qasaaraha qaraxyadasai ka dhashay.

Dadka waxyeelada ugu badan uu qaraxan kasoo gaadhey ayaa la sheegey in ay ahaayeen dad sugayey in ay raacaan Diyaarada American Airlines, waxaana xaalada garoonka uu xiligan yahay mid lagu kala cararay, ciidamada amaanka ayaana gabi ahaan joojiyay howlihii shaqo ee garoonka dadkana u saaray banaanka.

Photo file Qaraxyadii Presules

Photo file Qaraxyadii Presules

qara

Hangoolnews.com

Muqdisho /office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News