Hangoolnews.com
“Nusqaantaa Cidii Keentay Maanta Way Is Gowracday Saaxadana Way Ka Baxaysaa,”Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Suldaan Xassan
March 22, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu qabtay munaasibad baalaadhan oo ay sikugu yimaadeen cuqaasha waxgaradka salaadinta iyo aqoonyahanka beelaha Subeer Awal kuwaasi oo si wayn uga soo hor jeeday Suldaan uu caleemo saartay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaasi oo uu uga gol, lahaa in uu ku weeraro suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan,

Waxaana Xaflad maanta lagu qabtay Huteel Xaraf ee Hargeysa si wayn loogu taageeray suldaanka Guud Suldaan Xassan iyada oo dhanka kale ay dadkii goobtaasi iskugu yimi cabireen dareenkooda sida ay uga xun yihiin siyaasiyiinta soo faro galiyey Saldanada Subeer Awal,

Ugu danbayn waxa halkasi ka hadlay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan oo u duceeyey cid kasta oo garab istaagay waxaanu goobtaasi uga duceeyey dadkaasi sida wayn u taageeray,

Waxaana ka mid ahaa hadaladii Suldaan Xasan,

“waxaan duco idiinku guntayaa dad iyo duunyoba in ilaahay ha idin barakeeyo nusqaantaa cidii keentay maanta way is gowracday saaxadana way ka baxaysaa cid kasta oo arintaasi ka soo shaqaysay raxmaadkana alle ha inoo shubo raxmad khair qabtana alle ha inoo shubo nabadgalyada alle ha inoo barakeeyo tawfiiqdana alle ha ina waafajiyo”

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

hargeysa /office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News