Hangoolnews.com
Muj: Ibraahim Dhago Wayne oo Ka Hadlay Afgambigii La Isku Dayay in Lagu Sameeyo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal
March 22, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Mujaahid Ibraahim Dhago wayne oo maanta kasoo qayb galay xaflad balaadhan oo salaadiinta cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Subeer Awal ku taagerayaan saldanada Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si wayn uga soo hor jeestay suldaankii dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada Hargeysa isla markaana lagu sheegay in uu yahay Bedelka Suldaan Xassan,

Mujaahidku waxa uu ku tilmaamay dhacdadaasi mid ceeb ku ah guud ahaanba dhaqanka Sandalada Soo jireenka ah Subeer Awal iyo tan Dhaqanka Somalidaba,

Muhaajidka oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

” Halkan waxaa aynu isku keen keenay in aynu  jawaab cad ka bixino waxii yaraa ee aynu maalintii dhaweyd arkeynay  ma aha wax ay beesha Suber Awal ku tashatey mana aha wax dhaqan keena ah intaas oo qarni ayey soo jirtey sandaladan Suber Awal oo lama taabtaan aheyd waxii waxaas ka shaqeeyey wey ceeboobeen umadiina waa taas ka markhaati furtey ” ayuu yidhi Muj.Dhego weyne

Hangoolnews.com

Muqdisho /office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News