Hangoolnews.com
Xarakada Alshabaab oo Xalay Weerar Ku Qaaday Xerro Ciiddan oo ay Daganaayeen Ciiddanka Somaliya
March 21, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen xerada Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hosse.

War ka soo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen mudo kooban xerada kuna qaateen toddobo gaari oo ah kuwa dagaalka kuna dileen askar ka badan sodon.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay milatariga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkan xalay ka dhacay Laanta Buuro.

Hase yeeshee ilo madax bannaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Shabaabku horey u qaateen ilaa afar gaari oo ah kuwa dagaalka, mid kalena ay gubeen kaddib markii uu god uga dhacay.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalimihii u dambeysay ciidamo ka tirsan Puntland iyo Al-Shabaab uu dagaal ku dhex marayey, qeyba ka mid ah gobalka Nugaal.

Sidoo kale Al-Shabaab, ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxa ay Jubooyinka, dagaal kula galeen ciidamada kenya ee qeybta ka ah Midowga Afrika.

COMMENTS
Latest News