Hangoolnews.com
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Isku Dhicii Dhex Maray Ciidamada Badda Jabuuti Iyo Somaliland
March 21, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Wasiirka arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay isku dhacii labada ciidan ee Somaliland iyo Jabuuti ee dhawaan ka dhacay xeebaha galbeedka Somaliland gaar ahaan agagaarka Badda saylac,

Sacad Cali Shire oo maalintii shalay ahay ka hadlayay xaflad ay lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu furayay Safaarada Jabuuti ee Somaliland ayaa waxa uu si kooban uga hadlay dhacdadaasi inkasta oo aanu faah faahin buuxda ka bixi,

Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Maadaama aan ahay wasiirkii arimaha dibada Somaliland waxa la iga filayaa in aan wax ka idhaahdo dhacdadii dhacday shan cisho ka hor ilaa iyo hada wasaaradu wax war ah kama ay soo saarin arinkaas waayo waxaanu sugaynay natiijada baadhitaanka labada dhinacba laga samaynaayo alxamdullaah arinkii waxa uu ku dhamaaday si wanaagsan labada dhinacba waa laga hawl galay si qurux badan ayuu ku dhamaaday waxaanan rajaynaaa in aanu mar danbe nagu soo noqonin”

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News