Hangoolnews.com
“Maanta Callanka Somaliland Labba Waddan Oo Kali Ah Ayuu Magaalooyinkooda Ka Taaggan Yahay, Waanna Jabuuti Iyo Itoobiya”Faysal Cali Waraabe
March 21, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Calankii Somaliland oo wadamo badan ka taagnan Jiray wakhtigii Xukumadihii hore dalka Xukumayeen in Dawlada Siilaanyo mudadii ay xilka haysay ku soo ururisay  Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxaanu Tilmaamay in taasi ina tusayso in dib u dhac uu dalku galay mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Siilaanyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu hadal ka jeedinayey Xaflad lagu furayey Xafiis Cusub oo dawlada Jabuuti ku yeelan doonto Hargeysa.“ Maanta Callanka Somaliland Labbo Waddan Oo Kali Ah Ayuu Magaalooyinkoodda Ka Taaggan Yahay,Waanna Jabuuti Iyo Ethopia” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Hadalkan ayaa gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu ka yidhi maalimtii shalay ahayd mar uu ka qayb galay xalfad lagu daah faureyey furitaanka Safaada dalka jabuuti ka furayansay Somaliland

COMMENTS
Latest News