Hangoolnews.com
Beelaha Subeer Awal oo Ku Baaqay Kulan ay kaga Tashanayaan Afgambigii uu Muuse Biixi Ku Sameeyey Sandaladdoodda
March 21, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Sulaadiint cuqaasha,waxgaradka iyo aqoonyahanka beelaha Subeer Awal ayaa ku baaqay shir  deg deg ah oo ay kaga arinsanayaan falkii foosha xumaa ee uu ku kacay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa xisbigaase,

Kulanka ay iskugu imanayaan ayaa u jeedkiisu yahay sidii loogu lafo guri lahaa isku duubnida iyo wada jir beelaha Subeer Awal,Geesta kale kulankan ayaa lagaga hadlayaa arinta ugubka ku ah dhaqanka soo jireenka ah ee sandaladu leedahay iyada oo laguna raali galinaayo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xassan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye,

Dhanka kale waxa isla kulankaasi lagaga tashan doonaa sidii culays xoogan loo saari lahaa Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo isagu ka danbeeyey isku day uu ku doonayay in uu iskaga hor keeno Beelaha Subeer Awal isaga oo eeganaya danahiisa shakhsiyadeed ee dhinaca siyaasada,

Isku imaanshahan beelaha Subeer Awal ayaa la filayaa in uu qabsoomo todobaadkan gudahiisa,

Geesta kale warar xog,ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska war qabadka Hangoolnews waxay tibaaxayaan in gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu waji gabax kala kulmay Salaadiin,aqoonyahan,cuqaal iyo waxgaradka beeshiisa balana loogu qaaday hadii uu arintan raali galin buuxda ka bixin waayo uu kala kulmi doono beeshiisa cawaaqib xumo keenta in uu ku waayo kalsoonidii uu ku qabay ee ahaa in ay siyaan codadkooda si uu ugu tartamo doorashada madaxtinimo ee uu u taagan yahay,

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News