Hangoolnews.com
Siyaasi Ka Soo Jeeda Somaliland oo Xil Muhiim ah ay u Magacowday Dalwada Somaliya
March 20, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Madaxweynaha Somaliya ayaa lixsafiir oo uu toddobaadkan magacaabay wuxuu safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobay u magacaabay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a somaliweynta.

Xasan Sheekh wuxuu Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland u magacaabay inuu noqdo safiirka Somaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Mr. Beyle ayaa hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dawladaha Xasan Sheekh.

Dadka kale ee safiirada loo magacaabay ayaa kala ah  General C/Raxmaan Sheekh Ciise oo loo magacaabay xarunta  Midowga Yurub, Abuukar Cabdi Cismaan oo loo magacaabay Koonfur Afrika, Cali Shariif Axmed oo loo magacaabay safiirka Faransiiska, Fakaru-diin Maxamed oo loo magacaabay inuu noqdo safiirka Kenya iyo Maxamed Xasan Cabdi oo loo magacaabay inuu Somaliya u fadhiyo dalka Turkiga.

COMMENTS
Latest News