Hangoolnews.com
Ninkii Looga Shakisnaa in u Ka Danbeeyey Weeraradii Ka Dhacay Paris oo Markii Ugu Horeysay Su,aalo La Waydiinayo
March 20, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Saalax Cabdisalaam  oo looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weeraradii Baariis  lagu qaaday bishii Nofeembar  ee sanadkii hore ayaa markii u horeysay su’aalo la weydiiyay. Ninkan ayaa laga saaray Isbitaal, kadib markii ciidamada booliska ay lugta ka dhaawaceen, intii uu socday howl gal lagu qabanayay oo ka dhacay meel ka mid ah magaalada Brussels.

Dacwad oogayaasha dalka Faransiiska ayaa waxa ay sheegayaan in Salax Cabdisalam uu sheegay inuu doonayay inuu isqarxiyo intuu socdeen weeraradii Paris ee bishii November, laakiin maskaxdiisa uu badalay.

Saalax waxaa looga shakisan yahay inuu abaabulay weeraradaasi Paris lagu qaaday sanadkii hore. Waxaa lagu oogay dacwad la xiriirta dil iyo inuu ka mid ahaa koox “argagixiso.”

Photo File Saalax cabdulsalaam

Photo File Saalax cabdulsalaam

Dacwad oogayaasha waxa ay sheegayaan in Saalax uu xudun u ahaa kooxda isqarxisay iyo diyaarintii weeraradaasi.

Xilli sii horeysay, qareenka u doodaya Salax Cabdisalam waxa uu sheegay in ninkan uu la shaqeynayay dowladda Belgium, laakiin uu ka dagaallamayo in Faransiiska lagu wareejiyo.

Waxaa weeraradii Paris ku dhimatay 130 qof.

COMMENTS
Latest News