Hangoolnews.com
Jabuuti oo Shaacisay Sababta ay u Weerartay Markabkii Ka Kaluumaysanayay Biyaha Badda Somaliland
March 20, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Wasiirka kaluumaysiga Jabuuti

Photo File Wasiirka kaluumaysiga Jabuuti

Hangoolnews:–Xukumada dalka Jabuuti waxa ay markii ugu horeysay ka hadashay sababta ku kaliftey in ay  weerarto markabkii laga lahaa dalka masar ee ka kaluumaysanayay xeebaha Somaliland ogolaanshanahana ka haystay wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland halkaasi oo ay ku dileen ahl askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada xeebaha,

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Badda iyo Xanaanada Xoolaha ee dalkaasi Jabuuti waxa uu sheegay in sababta ay u weerareen markabkaasi ahay ahayd Xaalufin ba,an ee uu xeebaha dalkaasi ka gaystay markabkaasi isaga oo istcimaalaya qalabka lagu kaluumaysto oo casri ah loona yaqaan (Jaraaf) oo gabi ahaan badda ka xaalufiya kaluunka ka yar yar  iyo ka waynba,

 wasiirka Wasaarada kaluumaysiga Badda iyo Xanaanada Xoolaha ee dalkaasi Jabuuti  oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Markabka soo galay ee xad gudbey waa markab Masriya oo aanu naqaano oo markii ugu horeysay maahee dhawr goor oo hore soo xad gudbey raadaalkuna wuu sheegay

Markabkaasi dhibaato ayuu noo gaystaa waxuu ku shaqeeyaa (Jaraaf) Jaraafkaasi oo kaluunkii dhalanayay ee ku jirey Shacaabka Badda ayuu wada dhamaynayaa kolkaa meeshaasi dib danbe kaluun loogama helaayo,

Markaa markuu soo galay ee uu waxba sheegi waayey ayay ku kaliftey ciidankayaga badda in ay daba socdaan oo ay dabo ordaan oo xurgufkiibaa la isla galay biyaha badda Somaliland,”

Hadalka wasiirka Wasaarada kaluumaysiga badda iyo xanaanada xoolaha ee dalkaasi jabuuti ayaa ujeedkiisu yahay sida ay dawlad dalkaasi u ilaashanayso khayraadka dabiiciga ah ee badda dalkeeda iyada oo ka biyo diidey xaalufinta ba,an ee uu Markabkaasi ka waday biyaha badda Jabuuti,

Hadaba arinta is waydiinta leh ayaa ah sababta ay xukumada Somaliland u siisay markabka noocaasi ah ogolaansha ama Ruqsada kaluumaysiga badda biyaha Somaliland,

Arintani ayaa muujinaysa sida madaxda dalka Somaliland aanay dan iyo muraad uga lahayn xaaluf ku yimaada biyaha Badda ee dalka iyaga oo kaliya ka door biday qaadasha lacagaha yar ee ay ku cashuurayaan maraakiibtaasi xaalufka baahsan ku haya biyaha dalka ee ay ka biyo diidey dalka jabuuti ee aynu jaarka nahay,

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News