Hangoolnews.com
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Xildhibaan Obama Oo Warbaahinta Eedaymo Kala Duwan Isku Way-Daarsaday
March 20, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–furitaanka kalfadhigii 30 aad ee golaha wakiilada Somaliland oo maalintii shalay ahaa si rasmi ah u furmey iyada furitaanka kalfadhigaasi uu ku bilowdey isku bedel uu shir gudoonka golaha wakiiladu ku sameeyey gudi hoosaadyada kala duwan ee golahaasi iyada oo gudiyadaasi isku bedelka lagu sameeyey uu ku jirey gudoomiyihii gudi hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka Maxamed Cali Xirsi(Obama),

Kaasi oo sheegay in xil ka qaadistiisa ay ka danbaysay kadib markii uu golaha wakiilada dhexdooda ku sameeyey baadhis ku saabsan musuq maasuq uu sheegay in uu ka dhex jiro golaha wakiilada dhexdiisa,

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo warbaahintu wax ka waydiisay musuq maasuqa uu ku eedeeyey golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Obama ayaa kaga jawaabay hadalo uu ku sheegay in uu xildhibanku kaftamayay isla markaana aan u muuqan hadalo uu ku jawaabo mas,uul hase yeeshee u ekaa qaar uu warbaahinta ku qancinayay,

Dhanka kale xildhibaanka oo mar kale ka hadlay ayaa ka jawaabay hadalada kasoo yeedhay gudoomiyaha golaha wakiilada,

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News