Hangoolnews.com
Dawladda Turkiga Oo Midawga Yurub Ka Dalbatay Inay Ka Caawiyaan Dagaalka Ay Kula Jirto Argagixisada.
March 20, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Dowladda Turkiga, ayaa waxa ay dalbanaysaa in laga gacan siiyo dagaalka adag ee ay kula jirto waxa loogu yeero Argagixisada, kadib markii shalay Qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga waxa uu sheegay in dalkiisa uu filayo taageero kaga timaada dalalka EU iyo qeybaha kale ee caalamka oo lagula dagaallamo Argagixisada.

Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Arimaha Dibada dalka Turkiga wuxuu si rasmi ah shaaca uga qaaday inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Dadka Xagjiriinta ah.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay kula dagaallamayaan gudaha iyo dibadda dalkooda.

Waxa uu hadalkaasi jeediyay kaddib weerar isqarxin ah oo ka dhacay Istanbul oo afar qof ay ku dhinteen inkabadan 30 kalena ay ku dhawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah laba qof oo Israa’iil u dhashay, oo sidoo kale baasaboor Mareykan ah haystay iyo qof Iiraan u dhashay.

Qarax weyn oo magaalada Ankara ka dhacay isbuucii tagay oo dad badan ay ku dhinteen waxaa sheegatay kooxda kurdiyiinta.

Bishii January, qof isqarxiyay oo loo maleynayo inuu Daacish ka tirsanaa ayaa 15 qof oo dalxiisayaal ah ku dilay Istanbul.

COMMENTS
Latest News