Hangoolnews.com
Xog Muhiim ah: Tirada Hubka Dawlada Somaliya Siiyey Maamulka Puntland iyo Saamaynta uu Hubkaasi Somaliland ku Yeelan Karto
March 19, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews;-Xukuumadda Federalka Somalia ayaa maalintii Jimicihii 18, March 2016 labada diyaaradood oo hub ah u soo gudbisay maamul goboleedka Puntland,taasi oo la sheegay in loogu talo galay in Maamulka Puntland kula dagaalamo ururka Al shabaab oo qaybo ka mid ah deegaannada Puntland ka dagaalamaysay labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Sida lagu baahiyay Warbaahin kala duwan oo laga leeyahay deegaannada Maamulka Puntland oo soo bandhigtay tirada hubka la siiyay maamulka Puntland,

 Ayaa lagu sheegay in diyaaradda Diyaarad ay saarnaayeen 15 sanduuq oo rasaasta qoriga PKM ka ah (( 15X700= 10,500), toban sanqduuq oo rasaasta qoriga loo yaqaan dhashiikaha (10X 800= 8000) iyo 70 Sanduuq oo rasaasta  AK47-ka ah ( 70X800= 56000).

Dhanka kale waxa iyaduna diyaarada labaad ay siday tirooyin kala duwan oo cunto ah looguna talo galay in lasiyo ciidamada maamulka puntland ee dagaalka kula jira koox-diimeedka dhawaan soo degay gudaha maamulkaasi,

Xogta  ayaa tibaaxaya in in kabadan  50 kartoon oo Kalluunka qasaacadaha (Tuna) iyo 45 sanduuq oo ah rasaasta lagu adeegsado qoriga AK47-ka (45X800= 36000 xabo).

Dadka shacabka ah ee dagan deegaannada maamulka Puntland ayaa walaac ka muujiyay wakhtiga lagu soo beegan soo dirista rasasta xilli dawlada Federalka Somalia doonayso in maamulka Puntland lagu qanciyo qaadashada nidaamka 4.5.

Soo gaadhsiinta hubkan ee dawlada Somaliya ayaa iyadu imanaya xilli maalmahii ugu danbeeyey ay maamulka puntland dagaal kula jiraan kooxahaasi lala xidhiidhinaayo urur diimeedyada,

Geesta kale dawlada Somaliland oo ay dhul ku maraun san yihiin maamulka puntland ayaa waxa dadka indho indheeya xaaldaha amaan ee dhinaca geeska Africa ay walaac ka muujinayaan saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto hubkaasi tirada badan ee ay dawlada dhexe ee Somaliya soo gaadhsiisay maamulka putland.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News