Hangoolnews.com
Xildhibaan Obama Oo Sheegay In Qasnada Golaha Wakiilada Si Sharci Daro Ah Loo gala Baxay $150,000 Oo Dollar
March 19, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ah oo ahaa Gudoomiyii Guddiga ilaalinta iyo dabagalka hantida ayaa sheegay inaanay sharci ahayn xilka qaadistii guddiga uu gudoomiyaha ka ahaa ee ilaalinta iyo dabagalka kaas oo shir gudoonka golaha wakiilada ee Somaliland ay xilkii gudigaasi ka qaadeen,

Maxamed Cali Xisri (Obama) oo maanta warbaahinta kula hadlayay huteel maansoor ee magaalada hargeysa ayaa ku dooday in aanay xiligan oo haboonayn in xilka laga qaado,

Xildhibaan Maxamed Obama oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

 “ilaa intii uu guddigani jiray waxaanu u yeedhnay 26 hay’adood oo kala duwan oo ah hay’adaha xukuumadda mid kaliya oo na diiday oo tidhi iman-maynana maanaan aragg runtiina waxaa la odhan karaa waxaa qaybkamid ah guulaha ugu waaweyn ee ay xukuumaddani gaadhay waanan ku amaanayaa aniga oo ku hadlay magaca guddiga ilaalinta iyo dabagalka hantida” ayuu yidhi yidhi Mudane Obama.

Dhanka kale waxa uu mudane Obama sheegay inuu Guddigoodani yahay hay’adaha ugu sareeya marka la eego dunida kale ee caalamka isla markaana ay doorweyn kagajiraan ilaalinta iyo kobaca dalka haddii ay dhaqaale ahaan lahayd iyo hadii ay sugnaanta iyo toosnaanta halka ay hantidu ku baxaysaba “document-gaa aad arkaysaani waa kii la rabay in berrito golaha laga akhriyo waanu dhamaystiran yahay balse waxaa lays-wediinayaa Golaha dhexdiisa musuq-maasuq ma ka kajiraa mase kama jiro? Ayuu yidhi Mr Obama.

Waxaanu isagu laftiisu isaga jawaabay su’aashaasi waxaanu yidhi “haa wuu ka jiraa Golahayaga wakiillada dhexdiisa musuqmaasuq waayo waxaan tusaale u soo qaadanayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa jira shaqaale farabaan oo layska qoranayey oo ay shakhsiyaad gaar ahi iska qoranayeen waxaanay hadda shaqaalahaasi gaadhayaan 116 qof” ayuu yuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xisrsi.

“markii ay hay’adda shaqaaluhu tidhi waa inaanu idinla eegnaa shaqaalihiina iyo sida aydnu ku qorataan waana inaan tiriinnaa Golahayagu si cad buu u diiday waxaanay ku yidhaadeen annagu waxaannu nahay hay’ad madax banaan namana baadhi kartaan” ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay jiraan shaqaale dulman oo aan la siinin mushaharaadkoodii ay xaqa u lahaayeen waxaakale oo aan warqaddaa idiinku hayaa oo ku qoran inay shakhsiyaad gaa ahi ku tagri faleen oo ay qaateen lacagg dhan $150,000 oo dollar” ayuu yidhi Maxamed Cali Xirsi [Obama]

“waxaannu soo jeedinayaa in dib u eegis lagu sameeyo Golahayaga oo la faaqido oo la baadho waayo hay’adda shaqaalah iyo hanti baadhaha qarankaba xilbaa ka saaran inuu baadhitaan ku sameeyo golahan uu musuq maasuqu hadheeyey” ayuu yidhi Mudane Obama.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu musuq maasuqa goluhu gaadhay inuu mid kamida Gudoomiye ku xigeennada Goluhu hay;adda shaqaalaha iska hortaagay inay wiilkiisa uu dhalay ka qaadaan imtixaan sida dadka kale si lamid ah isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “musuq maasuqii Goluhu waxa uu maanta marayaa inuu mid kamid ah ku xigeennada Gudoomiyaha Golaha wakiillada uu y idhaado will uu dhalay qasab Golaha halagaga shaqaalasyiiyo markii ay hay;addii ku shaqada lahaydi tidhi waxaanu ka qaadaynaa imitixaan sida dadka kalana waxa uu ku yidhi ma baadhi kartaan oo waxaanu nahay [wakiillada] hay;ad idinka madax bannaan” ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

Isaga oo hadalkiisa la xidhiidha arrimaha musuqmaasuqana waxa uu yidhi “waxay maanta maraysaa in qasnaddii Goluhu lahaa ee qaranka ay shakhsiyaad gaar ahi kala bxeen lacag dhan $150,000 oo dollar” ayuu yidhi.

Xlidhibaankan ayaa mudo dheer soo ahaa gudoomiyaha gudiga ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada iyada oo xil ka qaadistiisana ku soo beegmaysa iyada oo la filaayay in todobaadkan gudahiisa uusoo bandhigo musuq maasuq ay gudigaasi mudooyinkii ugu danbeeyey ku dabo jireen

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News