Hangoolnews.com
Muuse Biixi Cabdi Oo Dagaal Ka Dhan Ah Sandaladda Subeer Awal Ku Baaqay Iyo Qaban-qaabada Xaflad Nus-Qaameed uu Abaabulay
March 19, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews;- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa wada qorshe uu meesha kaga saarayo Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye,

Wararka hor dhaca ah ee soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee Hangoolnews ayaa Sheegaya in uu gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu maanta gudaha magaalada Hargeisa ka waday qaybinta kaadhadhka lagaga soo qayb galaayo xaflad Nus-qaameedka waxa uu ugu yeedhay caleemo saarka Suldaanka gacan ku rimiska ah ee uu wato gudoomiye Biixi,

Arintani ayaa ah mid ku cusub guud ahaanba hab dhaqanka soo jireenka ah ee saldanada Somalida iyo tan Somalilandba, iyada oo dhinaca kale ay arintani ay tahay markii ugu horeysay ee nin u sharaxan xilka madaxtinimo ee Somaliland uu sameeyo arin ku lidi ah dhaqanka iyo maamuuska Saldanada Beeshiisa,

Wararka kale ee ilaa iyo haatan Soo gaadhaya Hangoolnews ayaa waxa ka mid ah in Beelwaynta Habar Awal markii ay maqashay arinatani uu abaabulaayo siyaasigani ay si wayn uga xumaatay iyaga oo dhinaca kale wada qorshayanaya dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo hor jeedaan faro galinta iyo talaabada foosha xun ee uu lasoo dhex galay Beesha Subaar Awal,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News