Hangoolnews.com
Minneapolis oo lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyay Soomaalida MN +Sawiro
March 19, 2016 - Written by Hangool News

1 4

Minneapolis (HNG) Hay’adda Tayo ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku qabatay kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayay Cilmi-baaris iyo Daraasaad laga sameeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Madaxa Hay’adda Tayo, Hamsa Warfaa oo ah aqoon-yahan Somali ah, ayaa soo bandhigay cilmi-baadhis iyo daraasad lagu qiimeynayay xaaladda guud ee Jaaliyadda Soomaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Soomaalida deggen Minnesota oo tiradooda lagu qiyaaso 80,000, ayay Hay’adda TAYO la waxay la wadaagtay daraasad meelo badan taabaneysay oo ay sameysay, gaar ahaan dadkii fursada u yeeshay inay kasoo qayb-galaan kulanka.

Natiijadda cilmi-baaristan oo lasoo koobay, ayaa lagu soo bandhigay fursadaha iyo caqaba-daha hor-yaalla bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo weliba sidii looga gudbi lahaa.

 

2 3 5

Hangoolnews.com

Minneapolis Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News