Hangoolnews.com
Heshiis Laga Gaadhay Dagaalkii Dhex Maray Ciidanka Badda Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti
March 19, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Iyada oo maalmahii lasoo dhaafay ay dalka jabuuti ku sugnaayeen wafti uu hor kacaayo wasiirka gudaha Somaliland Maxamed Warancade isla markaana dalkaasi u tagay wada xaajoodka isku dhacii labada ciidan ee badda Dalka iyo kuwa jabuuti ee ka dhacay xeebaha saylac kuna dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka badda ee aagga Saylac,

Waftiga wasiirka oo maalmahii ugu danbeeyey ku sugnaa dalkaasi ayaa wada hadal dheer ka dib waxa la isla meel dhigay xalna laga gaadhay shaqaaqadii dhex martay labada ciidan iyada oo xukumada dalka jabuuti dusha saaratay khaladka weerarkaasi,

Dhinaca kale waxa xukumada jabuuti dalkeeda ka soo dirtey ganacsade reer Somaliland kuna sugan dalkaasi kaasi oo wadahadal iyo waan waan dheer ka dib ku guulaystay in uu dalka jabuuti geeyo taliyihii aagga saylac Maxamed Yuusuf Otor oo hore isagu u sheegay in aan loo dul qaadan Karin xad gudubka ay ciidanka badda jabuuti kusoo galeen biyaha Somaliland,

Photo File Sawirada heshiiska

Photo File Sawirada heshiiska

Wararka xog,ogaalka ah ee soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee Shabakada Hangoolnews ayaa sheegaya in dalka jabuuti uu soo bixiyey lacag dhan lix kun oo dollar oo xabaal qod ah si loo aasso askarigii ay dileen ciidanka badda dalkaasi oo ilaa iyo haatan aan la aasin Waxaanay raali galin buuxda ka bixisay dhacdadaasi uu ku dhintay halka askari,

Photo File heshiiska Somaliland iyo Jabuuti

Photo File heshiiska Somaliland iyo Jabuuti

Waxa dhanka qodobo dhawr ah oo ay kaga heshiiyeen dawladaha Somaliland iyo jabuuti hase yeeshee wali may soo gaadhin qodobadaasi warbaahinta,

Kala Soco Hangoolnews waxii warar ah ee kasoo kordha Heshiiska laga gaadhay Shaqaaqadii dhex martay ciidanka badda Somaliland iyo Kuwa jabuuti

jabuuti3

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News