Hangoolnews.com
Diyaarad Rakaab Sidday Oo Ku Burburtey Dalka Ruushka Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
March 19, 2016 - Written by Hangool News

Dalka Ruushka wararka ka imaanaya, ayaa sheegaya in goor dhaw ay ku bur burtay Diyaarad Rakaab siday oo ka ambabaxday Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday 61 qof oo 55 ka mid ah yihiin rakaabkii saarnaa Diyaarada, halka lixda ruux ee kalena ay ahaayeen Shaqaalaha Diyaarada.

Diyaarada oo nooceeda uu yahay A Boeing-737, ayaa la sheegay inta aysan dhicin ka hor labo Saacadooda inay hawada ku jirtay, balse iyada oo doonaysa inay degato ayeey Diyaaradan dhacday.

Photo File A Boeing-737

Photo File A Boeing-737

Saraakiil ayaa sheegay inaysan jirin cid ka badbaaday Diyaarada oo gabi ahaanba dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, iyadoo aanan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay burburka Diyaarada ama nooca cilada ee ku yimid.

Waxa ay ku dhacday Diyaarada Magaalada Rostov-on-Don oo ku taallo Koonfurta dalka Ruushka.

Gaadiidka gurmadka deg dega iyo Saraakiisha caafimaadka ayaa gaaray goobta Diyaarada ay ku soo dhacday ee Magaalada Rostov-on-Don.

COMMENTS
Latest News