Hangoolnews.com
Wasiir Warancadde Oo Safar Deg-deg Ka Muuqdo Ku Tagay Dalka Jabuuti, Xilli Telefishanka Qaranka Dalkaas Laga Sii Daayay Weedho Inkiraya Qaranimada Somaliland.
March 18, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde  ayaa safar degdeg fara badani ka muuqdo ku tagay dalka Jabuuti oo maalmihii u dambeeyey daan-daansi dhinaca xuduudka badda ah ku hayay Somaliland.

Sidoo kale Telefishanka ku hadla afka dawladda Jabuuti ayaa maamul soomaaliyeed ku tilmaamay Somaliland taasoo meel ka dhac iyo akhlaaq xumo ku ah qaranimada Somaliland, sidoo kalena muujiyey ixtiraam darro iyo nusqaan dhinaca diblomaasiyadda ah oo haysta dalka Jabuuti.

Balse Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa isagoo intaas oo dhan og safar u muuqda mid bila tashi ah ku tagay dalka Jabuuti halkaasoo uu sheegay inuu kula kulmay masuuliyiin ka socota dawladda dalkaasi, balse ma uu sheegin cidda uu la kulmay iyo waliba waxay ka wadahadleen iyo waxa loogu hal-celiyey midna.

Sidoo kale Wasiir Warancadde ayaa si aad u jilicsan markii wax laga waydiiyey in markabkii la weeraray oo uu ku xad-gudbay biyaha Jabuuti, waxaana uu sheegay in arrintaasi guddi loo saaray lana hubin doono.

Marka la eego sida uu Wasiir Warancadde ula tacaalayo arrinkan ayaa ah mid aad u liidata marlaa loo eego siyaabaha uu uga hadlo haddii gar-darro kaga timaado Somaliland qaybaheeda kala duwan, waxaana halkaasi ka muuqata hagrasho badan oo dhinaca xukuumadda ah.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News