Hangoolnews.com
Wasiika Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ku Dhawaaqay In Dalka Laga Tukaddo Salaad Roob-Doon Ah
March 18, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland kana mid ah gudigii madaxwaynaha Somaliland u magaacabay gurmada abaaraha ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in la iskugu soo baxo salaad roob doon ah,

Wasiirka ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in maalinta salaasada ah ah ay u dareeraan salaada roob doonta si ay ilaahay uga baryaan in uu u shubo raxmaadkiisa,

“Waxaan maanta halkan ka cadaynayaa kana iclaaminayaa in maalinta Salaasada ah ee fooda inagu soo haysa aynu dalka oo dhan ka wada tukan doono salaad roob doon ah oo aynu mar labaad ku celin doono sidii caadada inoo ahayd,waxaanan soo cayimi doonaa saacada iyo goobta lagu tukanaayo inta ay diwaan galintu socoto si la inoogu naxariisto,”sidaasi waxa yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil,

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka Somaliland ugu baaqay in ay is faraan wanaaga iskana reebaan waxii xumaan ah,

Abaaro daran

Sidaasi waxa uu wasiirku ku sheegay xili uu maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa waxaanu sidaasi ku cayimey tukashada salaada roob doonta ah in ay bulshada Somaliland iskugu soo baxaan maalinta salaasada ah,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News