Hangoolnews.com
Laba Qof Oo Gobolka Awdal Ugu Dhintey Gaajo Iyo Haraad Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay Xaalada Abaareed Ee Gobolkaasi
March 18, 2016 - Written by Hangool News
Photo file Abaaraha Ba,an

Photo file Abaaraha Ba,an

Hangoolnews:–Gudoomiyaha gobolka awdal ayaa maanta shaaciyey in laba qof oo kale ay u dhinteen gaajo iyo haraad kuwaasi oo ay saameeyeen abaaraha ba,an ee ka jira Somaliland kuwaasi oo ay ugu daran tahay gobolada galbeedka dalka,

Badhasaabka ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay gurmad kala duwan oo ay gaadhsiiyeen dadka la il daran Gaajada iyo haraadka ee gobolka awdal,

badhasaabka gobolka awdal oo ka hadlaya dadka u dhintey gaajada iyo haraadka waxa uu yidhi,

“Saacad iyo badh ka hor ayaa na loo soo sheegay  maanta laba qof oo kale oo dhintey kuna dhintey degmada Lughaya,

Markaa waxa weeyaan maalin walba way sii kordhaysaa imika ilaa hada tirada dhimashada aanu hayno waa sideed qof ,”

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

COMMENTS
Latest News