Hangoolnews.com
Isku Aadka Wareega Sideeda Ciyaaraha Horyaalka Yurub Ee Champions League oo lasoo Saarey
March 18, 2016 - Written by Hangool News

Sports:–Waxaa goordhow magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 8da ee Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh, kulamada ugu adag ee wareegaan waxaa ka mid ah marka ay isku dhaceen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid, halka PSG ay mar kale wajihi doonto koox Ingariis ah Manchester City.

Photo File Logo Champions leugue

Photo File Logo Champions leugue

Kooxda ugu guulaha badan koobkaan ee Real Madrid ayaa iyadana heshay kulan ay dad badan u arkaan inuu sahlan yahay iyagoo ku soo aadan koox aan qibrad badan u laheyn koobkaan oo markii ugu horeysay abid soo gaartay wareega sideeda waa kooxda Jarmalka ee Wolfsburg, halka kooxda kale ee Jarmalka ee Bayern Munich ay wajaheyso kooxdii la wada doonayay ee reer Portugal ee Benifa.

Barcelona ayaa u baahnaan doonta inay ka gudbaan kooxda mayalka adag ee macalin Diego Simeone ee Atletico Madrid si ay u gaaraan wareega 8da waxaana lugta hore oo la ciyaarayo 5ta ma 6da April lagu hormarayaa garoonka Camp Nou ee kooxda Blaugrana.

Kulankoodii ugu danbeeyay ee Champions League waxa uu ahaa wareega 8da xilli ciyaareedkii 2013-14 markaasoo Atletico Madrid ay reebtay kooxda Barcelona.

PSG oo koobkaan ka reebtay Chelsea ayaa fursad u heli doonta inay koox kale oo Ingariis ah reebto madaama ay ku soo aadeen koox Man City oo markii ugu horeysay wareegaan ciyaareysa, laakiin City ma awoodi doontaa inay u aargudo kooxdii Ingariiska ee dhibanaha u soo noqotay PSG. Labada kooxood ayaa hal ujeedo leh inay markoodii ugu horeysay abid gaaraan semi-finalka.

Lugta hore ee wareega 8da waxaa la ciyaari doonaa 5ta iyo 6da April halka lugta labaad la ciyaari doono kooxda 12ka iyo 13ka bisha April.

Photo File Isku Aadka

Photo File Isku Aadka

ISKU AADKA WAREEGA 8da

Wolfsburg v Real Madrid

Bayern Munich v Benifca

Barcelona v Atletico Madrid

Paris Saint-Germain v Man City

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News