Hangoolnews.com
“Ballan Waxaan Ugu Qaadayaa Guddoomiye Muuse In Aannu Cabdicasiis Inta Uu Galo Xisbi Kale Ka Ololayn”—-Ex Wasiir Samaale Aabihii
March 18, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Oday Maxamed Samaale oo ah aabbaha dhalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa u ballanqaaday in aannu wiilkiisu gali doonin, una ololayn doonin xisbi ka soo horjeeda KULMIYE.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddo badan xafiiltan siyaasadeed kula jiray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka mid ahaa murrashaxiintii ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka bishii November 2015-kii, isagoo wixii intaa ka dambeeyey aan ka dhex muuqan shirar ay yeesheen siyaasiyiinta ay isku jaalka ahaayeen.

Haseyeeshee, aabbo Maxamed Samaale oo hadal ka jeediyey soo dhawayn ballaadhan oo dadweynaha reer Allaybaday ku qaabileen wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu sheegay in aanay wax colaad ahi ka dhaxayn wiilkiisa Cabdicasiis iyo murrashax Muuse Biixi, balse ay ku loollameen siyaasad ay ku kala badiyeen.

“Waxaannu salaamaynaa weftiga sharafta leh ee magaalada Allaybaday nagu soo booqday ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hambalyo, In Shaa Allaahu 2017-ka Muuse Biixi Cabdi baa madaxweyne ah, axsaab badan baa ina soo martay oo in badan aynu ka tunay, maantana KULMIYE waa (Muuse) madaxweynihii labaad ee Siilaanyo beddelayey, in lala shaqaynayana waxay ka muuqataa soo dhawaynta.

Anigu hore waxaan ahaa odayga KULMIYE ee Allaybaday 15-ka sanno ee uu jiray, weligay haddana maanta ayaa makarafoon aan ka hadlo ii kow ah, maantana wixii i soo joojiyey ayaan qabaa, waxa i saaray in aniga iyo Muuse Biixi naloo kala sheekeeyo oo la yidhaa Maxamed Samaale ayaa kaa horjooga Allaybaday, habeen hore Hargeysa iyo Allaybaday ayaa garnaqsanaysay, taas ayaan beeninayaaye wax kale oo baahi ii qabatay in aan makarafoonkan ku hadlaa ma jirto, waxa laga yar faa’iidaysanayaa Cabdicasiis ayey isqabteen oo ay col ahaayeen, Cabdicasiis col may ahayn ee siyaasad bay ku kala tageen, tiina Muuse ayaa ku badiyey, laba nin oo saaxiibo ah ayey ahaayeen, iminkana waa sidii uun,” ayuu yidhi oday Maxamed Samaale, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Ballan waxaan ugu qaadayaa Guddoomiyaha madaxweynaha ah Cabdicasiis inta uu galo xisbi kale in aannu ka ololayn Muuse, waa curadkaygii oo waxaan idhaa ma dhaafi karo, in aannu ka ololayn meel baanu isla dhignay, laakiin inuu u ololeeyo kaamu wadahadal.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hadalka oday Maxamed Samaale, waxaannu sheegay inuu isagana qabanayo oo uu odaygiisii yahay, “Maxamed Samaale waa adeerkay aniga, Cabdicasiisna waa aabbihii, labadayadaba geed buu nagu xidhi karaa oo sida uu Cabdicasiis u xidhay ayuun buu anigana ii xidhi karaa, aniguna kow baan ka ahay, waa odaygayagii ee Ilaahay caafimaad ha siiyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News