Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Sadex Qof Oo Ku Dhaawacmay Tacshiirad Rasaas Ah Oo Ay Furen Ciidanka Booliska Magaalada Berbera Iyo Sababta Ka Danbaysay
March 17, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Warar xog,ogaal ah oo hada ku soo dhacay xafiiska wararka shabakada Wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in Ciidamada Bilayska ee magaalada Berbera ay tacshiirad Rasaas ah ku fureen dadwayne faro badan oo iska diwaan galinayay goobta diwaan galinta ee barwaaqo ee gudaha magaalada Berbera ku taala,

Ciidamada bilayska iyo hawl wadeenada diwaan galinta cod bxiyayaasha ayaa dadwaynahii goobtaasi iska diwaan galinayay ku war galiyey in uu dhamaadey wakhtigii loogu talo galay sidaas darteedna ay dadku soo xaadiraan bari subaxa,

Hase yeeshee kadib markii ay maqleen dadwaynahii faraha badnaa ee goobtaasi iska diwaan galinayay oo badankoodana  laga soo daad gureeyey magaalada Hargeysa ay ka biyo diideen xidhitaanka goobtasi,

Waxaana goobtaasi ka abuurmeen buuq iyo sawaxan ay sameeyeen dadkii iska diwaan galinayay goobtaasi oo qorshahoodu ahaa in ay isla caawaba ku soo laabtaan magaalada Hargeysa,

Waxana goobtaasi ku dhaawacmay sadex Hablood oo laba ka mid ahi reer Berbera Yihiin halka inanta sadexaad ay ka tagtay magaalada Hargeysa,

Wararka dheeraadka ah ee ilaa iyo haatan soo gaadhaya xafiiska warbaahinta Hangoolnews ayaa sheegaya in dhaawacaasi loola cararay cusbitaalka magaalada Berbera,

Xaalada goobtaasi ayaa haatan degan kadib isku dhacaasi dhex maray shacabkii iska diwan galinayay goobtaasi iyo ciidanka bilayska ee Goobtaasi ilaalinayay.

hangoolnews/staff

Berbera/Office

COMMENTS
Latest News