Hangoolnews.com
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Fuliyey Amarkii Dawlada Jabuuti+Sawiro
March 16, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- kadib isku dhacii labada ciidan ee xeebaha Somaliland iyo kuwa jabuuti madaxwaynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxa uu amar deg deg ah soo gaadhsiiyey haayadaha amaanka Somaliland oo ay ugu horeyso wasaarada arimaha gudaha Somaliland taliyaha ciidanka xeebaha iyo wasiirka kaluumaysiga in ay deg deg usoo gaadhaan dalkiisa ,

Photo File Warancade iyo Waftigiisa

Photo File Warancade iyo Waftigiisa

Waftigan oo fulinayey amarkii madaxwaynaha Jabuuti ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo kasoo ambabay dalka itoobiya waxaana uu saaka gaadhay caasimada dalka jabuuti iyada oo la dajiyey huteelka Sharaton oo ah huteelka labaad ee ugu wayn dalkaasi,

Wafti wasiir warancade ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxa ay sawiro ka turjumaya ajande la,aanta iyo meeqaamka aad u hooseeya ee ay ka dhigeen qaranimada Somaliland ku soo galeen gudaha huteel Sharaton ee la dajiyey,

Geesta kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay iyo cid kala hadashay toona weerarkii badheedhka ahaa ee ciidamada badda Jabuuti kusoo qaadeen ciidanka badda Somaliland iyo dhimashada sarkaalkii ay dilka toogashada ah ku dileen ciidamada jabuuti hase yeeshee wali waxa ay sugayaan xiliga uu ninka kalidii taliyaha ah ee haysta dalka Jabuuti uga yeedho aqalka uu uga taliyo dalkaasi.

Photo File Warancade iyo Waftigiisa

Photo File Warancade iyo Waftigiisa

3 4 5

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News