Hangoolnews.com
Deg Deg:Dagaal Xoogan Ka Dhex Qarxay Ciidanka Puntland Iyo Kooxda alshabaab Ee Ku Dhex Sugan Deegaano Ka Mida Puntland
March 16, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Wararka ka imanaaya deegaanada xeebta Nugaal sheegaya in deegaan xeebeedka Suut oo qiyaastii 20KM dhinaca Waqooyi uga beegan deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal uu ka qarxay Dagaal Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dagaalamayaashii Maalin ka hor soo gaalay Deeganadaasi.

Goobjooge ku sugan deegaan xeebeedka Suut ayaa sheegay in dagaalku uu goordhawayd bilowday, islamarkaasina ay maqlayaan rasaas xoog leh oo la iswaydaarsanayo.

Ciidamada Argagixiso la dirirka Puntland ee PIS loo yaqaano iyo kuwa badda ee PMPF ayaa dagaalkaan ka qaybgalaya

ciidamada puntland ayaa waxaa la sheegaya in ay dalbadeen gurmad kale oo ka gacan siiya sidii ay ciidanka puntland ugu guulaysan lahaayeen maleeshiyaadkan taabacsan daacish kuwaas oo iyagu maalintii labaad ku sugan gudaha puntland

maleeshiyaadkan ayaa waxa ay u jeedkoodu yihiin in ay gacanta ku dhigaan qaybo kamida puntland waxaana la sheegaya in ay dagaal xoogan maanta la galeen ciidanka puntland iyada oo ilaa hada uu socdo dhawaaqa rasaastu

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News