Hangoolnews.com
Dad Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintey Gobolka Awdal
March 16, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Badhasaabka gobolka awdal oo maanta warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa magaalada Boorame ayaa waxa uu ku dhawaaqay xaalada bini,aadanimo oo ka taagan gobolkaasi kadib markii dadkii danyarta ahaa ay dhamaanba ka dhamaadeen xoolahii ay haysteen kadib abaaro ba,an oo ka jirey sanadahii ugu danbeeyey gobolkaasi waxaanu sidoo kale badhasaab Ramaax shaaca ka qaaday in ay dad gaadhaya ilaa afar qof ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen Deegaano ka mid ah gobolka awdal,

Badhasaabka Gobolkaasi oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladisii,

“Waxa aan ku dhawaaqayaa xaalad deg deg ah in uu galay gobolku,xaalada gobolka ka taagan oo ah runtii mid aad iyo aad u adag sidaasi oo ay tahay in la badbaadiyo dadka,

Maaha waxa aanu soo aragney wax laga indho qarsan karo ama wax sahlan lagu sheegi karo ama la odhan karo roob ayaa raagey dadkii xoolahii way ka dhaqaaqeen dadkii dhimasho ayuu bilaabay,

Xaalada gobolada kale ku jiraan iyo xaalka gobolkani tuu ku jiraa aad ayay u kala duwan tahay waxaana aanu galnay xaalad deg deg ah,”

Badhasaabka oo bulshada Somaliland iyo sidoo kale xukumada haayada ay khusayso la hadlaaya ayaa waxa uu u direy fariin ku saabsan in si deg deg ah loo soo gaadho dadka ku nool gobolka awdal oo ay soo foodsaartey xaalad aad iyo aad u adag waxaani yidhi Mr Ramaax isaga oo arimahaasi ka hadlaya,

“hadii ay tahay ciidanka qaranka hadii ay tahay shaqaalaha dawlada iyo hadii ay tahay haayadaha gobolka ka hawl gala guri kasta oo ay waxyaalaan iyo degmo kasta oo wax haysa haayad kasta xukumad iyo shiciba waxaan leenahay waa in laga qayb galaan xaaladaasi deg deg ah”

Dhanka kale waxa uu badhasaabka gobolka awdal fariin u direy dhamaanba gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka awdal kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay aasaan dadka dhintey ee ay dadkoodii awoodi waayeen in ay aasaan ay madaxda degmooyinkaasi ay aasaan,

“dhamaan gudoomiyayaasha tuulooyinka odayaasha tuulooyinka waxaan faraynaa maydadka lagaga tagaayo banaanka in ay iyagu aasaan”

Xaalada abaareed ee gobolada galbeedka Somaliland ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey aad u xun iyada oo sidoo kale ay dadkaasi baahi wayn u qabaan sidii bulshada Somaliland ee ay gurmad deg deg ah ula gaadhi lahaayeen dadkaasi walaalahood ah eek u dhibtodey abaaraha dabada dheeraaday ee ka dhacay galbeedka gobolada Somaliland.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News