Hangoolnews.com
Wasiirka Hawlaha Guud oo Dib u Iibiyey Daamurkii Dhismaha Wadooyinka Dalka
March 15, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xassan Maxamed(Cali Mareexaan) ayaa dib u iibiyey in ka badan Boqol foosto oo daamur ah kuwaasi oo loogu talo galay dhismaha wadooyinka cusub iyo dayactirka wadooyinkii hore,

Boqolkan foosto ee uu iibiyey wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Mareexaan ayaa waxa qiimaha halkii foosto lagu kala iibsadey boqol iyo toban dollar($110) oo u dhiganta Koob iyo Toban kun oo doollarka Maraykanka ah Boqolkii Foosto,

Warar u dhuun daloola xafiiska wasiirka oo soo gaadhey Xafiiska warqabadka Shabakada Hangoolnews ayaa sheegaya in Cali Mareexaan Wasiirka Hawlaha Guud uu ka iibiyey Daamurkaasi shirkada dhismaha wadoyinka ee uu leeyahay ninka Magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Cumaani oo Xukumada Somaliland shirkadiisa qandaraas ku siisey dhismaha wadooyinka Dalka,

Warar kale oo dheeraada ayaa sheegaya in Cabdirisaaq Cummaani Daamurka laga iibiyey uu kor u dhaafayo dhawr kun oo foosto,

Daamurkan ayaa waxa uu wasiirka hawlaha guud uu ka iibiyey mudo haatan laga joogo dhawr todobaad ilaa iyo hada ma jirto cid ka hadashay iibka daamurkan,

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa isagu si toos ah u maamula hay,ada wadooyinka Somaliland (RDA),

Geesta kale waxa jira warar hoose oo sheegaya in uu wali Cabdirisaaq Cummaani Hunguri kaga jiro Daamurka hadhsan in la siiyo,

Photo File Cali Marexan Cumaani and Dumarka lakala Gatey

Photo File Cali Marexan Cumaani and Dumarka lakala Gatey

Daamurka oo ahaa mid loogu talo galay in lagudayac tiro wadooyinak dalka ee Burburka badani ka muuqdo iyada oo dhinaca kale cabdirisaaq Cumaani uu hore ugu gudbiyey wasiirka in la amaahiyo Daamur badan oo u kaydsan hay,adda wadooyinka dalka,

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews,com

Hargeysa/office

COMMENTS
Latest News