Hangoolnews.com
Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland Oo La Kulmay Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomalida Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Nuxurka Kulankaasi
March 15, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Iley and Warancade

Photo File Iley and Warancade

Hangoolnews:- Weftigii uu hoggaaminayey wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade ee safarka shaqo ugu maqnaa dowlad deegaanka somaalida itoobiye, ayaa saaka waxa xarunta madaxooyada magaalada Jigjiga ku qaabiley madaxweynaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,halkaas oo uu weftiga ku so dhaweeyey,isla markaana ay labada dhinac ka wada haddleen danaha labada dal.

Sidoo kale waxa ay waftiga wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyo madaxda dawlad deegaanka soomalida dalka itoobiya ka wada hadleen arinta xuduudka ee ay dhawaan xidhay itoobiya xili ay gobolada hawd iyo gabiley oo ku yaala xadka Somaliland iyo itoobiya ka bilaabantay diwaan galinta codbixiyayaashu waxaanay isla soo qaadeen sidii loo furi lahaa xaduudka si dadka deegaanada itoobiya ee u dhashay Somaliland isku diwaan galiyaan,

Weftigaan uu hoggaaanayo wasiirka arimaha gudaha Cali waranade ee saaka kullan-ka la yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka somalida itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa waxa kamid ahaa Maayarka Caasimada Hargeysa,C/raxmaan Solteco , Xidhibaano iyo agaasimaha wasaarada warfaafinta Maxamed Aadan Ika-case.

Geesta kalena Madaxweynaha dowlada deegaanka Somaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, iyo weftiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,ayaa ka wada haddlay xaalada amaanka ,xidhiidhka laba dal,arimaha xuduudaha iyo isku socodka bulshada DDSI iyo bulsha weynta reer Somaliland,iyadoo ay labada dhinac ay is-afgarad buuxa ka gaadheen wax yaabihii ay ka wadda haddleen.

Ugu dambantii wasiirka arimaha gudaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa ka abobaxay caasimada dowlada deegaanka somalida itoobiya ee jigjiga,waxaanay weftiga u boqoleen dhanka dowlada aynu deriska nahay ee jamhuriyada Jabuuti iyada oo ujeedka ay socdaalkooda Jabuuti u tageen tahay yeedhmo ay dawlada jabuuti u yedhay xubno ka mid ah golaha wasiirada somaliland.

COMMENTS
Latest News