Hangoolnews.com
War Deg-Deg Ah Jabuuti oo Amartey in ay Dalkeeda soo Galaan Qaar Ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland Kadib Isku Dhacii Labadda Ciiddan ee Shalay
March 15, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Wararka hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee Shabakada Hangoolnews ayaa sheegayaan in Xukumadda Dalka jabuuti ay amar deg deg ah ku bixisey in ay dalkeeda yimaadaan wasiirada Arimaha Gudaha,kaluumaysiga,iyo Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland,

Amarkan ay dawlada Jabuuti siisey xukumada Somaliland ayaa ka danbeeyey kadib markii shalay dagaal badheedha ay kusoo qaadeen ciidamada badda ee Somaliland iyaga oo ku soo xadgudbey biyaha Badda Somaliland halkaasina ay ku dileen Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Somaliland halka ay ku dhaawaceen laba askari oo kale,

Maaha markii ugu horeysay ee ay ciidamada Jabuuti ay soo weeraraan ciidamada Badda ee Somaliland arinta se la yaabka noqotey ayaa ah in dawlada Jabuuti ay amarto wasiirada Arrimaha gudaha,Kaluumaysiga,iyo Taliyaha ciidanka Badda Somaliland deg deg usoo galaan wadankooda jabuuti sidii ay tahay xarun looga taliyo,

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland ayaa la filayaa in uu goor dhow u ambabaxo dalkaasi Jabuuti halka wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland kasoo dulaayo waddanka itoobiya oo uu hawlo shaqo u jooga,

Geesta kale sida ay warar xog ogaal ahi ku soo gaadhayaan Hangoolnews waxa ku sugan waddankaasi jabuuti taliyaha Ciidanka Badda Somaliland Adminal Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

Ilaa iyo hada ma jirto cid ka hadashay weeraradii tooska ahaa ee ciidamada Badda ee Jabuuti ay kusoo qaadeen Somaliland Marka laga reebo Madaxwayne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Saylici iyo Wasiir kuxigeenka amniga oo isna tacsi u direy balse labadaasi masuul ee u hadlay xukumada Somaliland midkoodna kama hadal weerarkaasi ay soo qaadeen jabuutiyaanku iyo sida uu u dhacay midna,

Dadka siyaasada indho indheeya ayaa ku tilmaamay amarka kasoo baxay dawlada Dalka Jabuuti in uu u fududaynaayo in ay qaataan amarkooda masuuliyiinta Somaliland ay tahay madaxda qaranka Somaliland oo intooda badan haysta Baasaaboorka waddankaasi jabuuti oo ay ku meel maraan xiliyada ay tagayaan safaradda dibbada.

Hangoolnews/staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News