Hangoolnews.com
Boobe Yuusuf Ducaale Muxuu Ka Yidhi In Uu Galaayo Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye Midkood
March 15, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan yuusuf Ducaale oo warbaahintu ka wax waydiisay in uu galaayo xisbiyada kale ee dalka ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in aanu jirin xisbi wakhti xaadirkan uu diyaar u yahay in uu galo isaga oo shaaca ka qaaday in anu jirn xisbi u glaayo xiligan Boobe yuusuf Ducaale oo arimahaasi ka Hadlaya ayaa waxa ka mid ah Hadaladiisii

“Horta Waligey xisbi maan galin midhkaasi horta dadku ha ogaadeen adiguna ogow, anuu xisbiga Kulmiye waligay maan galin, bishii March 2012kii ayaa madaxwayanahu intuu saq dhexe iso garaacey ayuu igu yidhi wasiirbaan kuu magacaabey shardi kumuu xidhin oo imuu odhan wasiirnimada waxaad qaadanaysaa oo ka horaysa in aad xisbiga soo gasho dabadeedna anigu sidiibaan wasiir ku noqdayoo dababdeedna dadku waxay ay u haystaan kol haddaan wasiir noqdey in aan xisbiga Kulmiye ka tirsanaa,”

Boobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in xiligii uu wasiirka ahaa madaxwaynaha Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiyeba golaha wasiirada dhexdooda ugu sheegay in aanu ka tirsanayn xisbiga Kulmiye isaga oo arimahaasi ka hadlayaa ayaa waxa uu mar kale yidhi,

“Waxaan xusuustaa maalin Maxamed Kaahin Muuse Biixi iyo colka Kulmiye madaxda ka ahi ay fadhiyeen shirka golaha wasiirada oo uu Muuse Meesha Ka yidhi wasiirada oo dhami waxa ay isku haystaan golaha dhexe ee xisbiga marka laga reebo labo qof mooyaane, maalintaa madaxwaynaha oo fadhiya Muuse oo fadhiya gacanta ayaan taagay oo waxaan ku idhi anigu labadaasi qof ee aan isku haysan xisbiga ayaan ka mid ahay,

Boobe oo Dhanka kale ka hadlaayay waxa ay dadku ugu maleeyeen in uu hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi,

“Markaa sidaasi ayanan horta kulmiye ku noqon, waxa la iigu aanaynayaa Kulmiye waxa weeyi lixdii bilood ee aan wasiirka ahaa nin walba oo wasiir ahi waxa uu ka tirsan yahay xisbiga kulmiye iyo golaha dhexe,wasiirka markaad ka baxdona waad ka baxaysaa markaa anigu wax xisbi ah oo Somaliland ka jira mid kaliya ayaan galay waa Waddani marka laga tago Snm tii,

Haka yaabin ayaan ku idhi kuwaa imika jirana ka galaaya ma ihi intaana dadka u sheega”

Hadalka xoghayahii hore ee warfaafinta xisbiga Waddani ayaa ka imanaaya xili la sugaayaay in uu ka dhawaajiyo xisbiga uu ku biiri doono labada xisbi ee Ucid iyo kulmiye.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News