Hangoolnews.com
“Waan Ku Faraxsanahay Inaan Imaado Somaliland Markii iigu Horaysay ..”Ergayga Qaramada Midoobey Ee Arimaha Somaliya.
March 14, 2016 - Written by Hangool News
Photo File kulanka Madaxtooyada

Photo File kulanka Madaxtooyada

Hangoolnews:- Ergayga cusub ee Qaramada Midobe u qaabilsan dalalka Somaliland & Somalia Mr. Micheil Kieting ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu markii u horeysay yimaado dalka somaliland, sidoo kalena waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka balaadha ee ay gaadhay somaliland waxaana uu yidhi.

“Waan ku faraxsanahay markii ugu horaysay ee aan imaado Somaliland, waxanan ku faraxsanahay kulanka aan la qaatay Madaxwaynaha ,Madaxwayne ku xigeenka iyo xubnaha golaha wasiirada waxaananu ka doodnay hawlaha horumarineed ee ay  Qaramada midoobe ka wado Somaliland iyo sidii ay u qabsomi lahaayeen dorashoyinka 2017 ee Madaxtoyadu Waxaana wax alfu farxo ah horumarka balaadhan ee ay somaliland ku talaabsatay”Sidaas ayuu yidhi Mr. Micheil Kieting

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News