Hangoolnews.com
Turkey: Ugu Yaraan 28 Qof Ayaa Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Ankara
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Wararka ka soo baxaya weerarkan ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsadey gaari yar kaas oo lagu weeraray bus, sida laga soo xiganayo warbaahinta gudaha.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee qaraxan, sida laga soo xiganayo masuuliyiinta Turekiga oo sheegay in ay wadaan baaritan.

Sida laga soo xiganayo shaqaalaha caafimaadka iyo weliba kuwa amniga waxaa weerarkan ku geeriyoodey ugu yaraan 28 qof, waxaana u ka dhaawacmey dad ka badan 70 qof. Qaar kamid ah warbaahintu soo sawireen sida goobta weerarku ka dhacay u gubanayso qaraxa kadib.

Photo File Bkk

Photo File Bkk

Telefishanka NTV ee dalka Turkiga ayaa baahiyey in qaraxu ka dashey gaari yar oo bom ku xiran yahay kaas oo lala eegtey gaari bus ah oo sidey rakaab, waxanaa qiica ka baxay laga arkaayey 2km meel u jirta halka weerarku ka dhacay.  Ma cadda in gaariga yar uu saarnaa qofkii wadey oo ay tahay weerar ismiidaamin ah iyo in meesha la sii dhigay gaariga oo meel kale laga hagay bomka.

Dalka Turkiga ayaa ku jira feejignaan aad u saraysa. Waxaana ay dagaal kula jiraan ururrada PKK, YPG iyo ISIS.

Weerarkii dhacay bishii Feberaayo 2016 waxaa gaari bom lagu soo xirey lagu diley ku dhawaad 30 qof isla magaalada Ankara.

COMMENTS
Latest News