Hangoolnews.com
Niman Hubeysan Oo Dil Toogasho Ah Goor Dhawayd Ku Diley Nin Darawal Ah Magaalada Burco
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Waxaa maanta magaalada Burco dil toogasho ah oo lagu diley nin lagu magacaabo Yuusuf.

Ninkan ayaa waxaa toogasho ku diley laba nin oo hubeysan,waxaana ay ku dileen agagaarka wadada Balabala ee magaalada Burco.

Ninka la diley ayaa watay gaadhi waarada,goobta lagu diley ayaa hayd halka istaanka gawaadhida ee Puntland.

Raga dilkan geystey ayaa waxay ku fureen xabbado marxuumka la diley isaga oo ku sugan goob maqaaxiya,waxaana uu isaga oo dhaawaca ka cararay goobtii,balse sida ay wararku sheegayaan nimankan ayaa xabbado kala daba tagey ninkan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inay labadan nin ay ku baxsadeen gaadhi xaajiyada ah.

Booliska magaalada Burco oo soo gaadhay  goobtii uu dilku ka dhacay ayaa kudaba jira raggii falkan geystey.

Lama garanayo sababta ninkan loo diley.

Hangoolnews.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News