Hangoolnews.com
Magacyada Murrashaxiinta U Tartameysa Xilka Madaxtinimo Ee Jabuuti Oo La Shaaciyay
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Dowladda Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqday musharaxiinta u tartami doona xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuuti.

Dowlada Jabuuti, ayaa soo bandhigtay ilaa Lix Musharax oo u taagan Doorashada, kuwaasi oo si rasmi ah isaga diiwaangalshay gudiyada uu khuseeyo Doorashada.

Lixda Musharax ayay Dowladu aqbashay codsigooda ku aadan Musharaxnimada, kadib markii ay buuxiyeen shuruudaha.

Lixdan murashax ayaa waxaa ansixiyay golaha dastuurka ee dalka Jabuuti waxa ayna kala yihiin:-

1-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

2-Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac.

3-Xasan Idiris Axmed.

4-Maxamed Daa’uud Shaxim.

5-Maxamed Muuse Cali.

6-Cumar Cilmi Kheyre.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa sheegay in musharaxiinta la ansixiyey, islamarkaana ay noqon doonaan kuwa kaliya ee u tartamaaya xilkaasi.

COMMENTS
Latest News