Hangoolnews.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Martiqaad Rasmi Ah Maanta Ugu Baxaya Dalka Imaaraadka
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka oo Isniin ah la filayaa inuu safar ugu baxo dalka imaaraadka carabta ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda dalkaasi imaaraadka, sida ay ilo madaxtooyada ku dhawi u xaqiijiyeen Wargayska Somalilandtoday.

photo File Soo Kac madaxwayne

photo File Soo Kac madaxwayne

Madaxwaynaha ayaa la filaya inay waftigiisa ku wehelin doonaan xubno xukuumadiisa ka tirsan, waxyaabaha la filayo inay labada dhinac ka wada hadlaan danaynta  dalka imaaradka ee maalgashiga  dalka oo warar ka qaar sheegayaan  inay qayb ka tahay baalaadhin  maalgashi oo lagu samaynaayo  Dekeda Berbera, xidhiidka labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Imaaraadka Carabta ayaa labadii sano ee u dambeeyey xidhiidh joogto ah la lahaa xukuumadda Somaliland, iyadoo uu xidhiidhkaasi sii xoogaystay ka dib markii safiirka Somaliland dalkaas u fadhiya loo magacaabay Baashe Cawil oo door muhiim ah ka qaatay isku xidhnaanta labada dal.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News