Hangoolnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Galabta Ka Dhoofey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Hargeysa+Sawiro
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa ka dhoofay dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeisa galabta.

Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey ayaa sidii warkii horeba aanu ku cadaynay waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay Dalka Kuwait oo madaxweynaha iyo weftigiisa u soo diray diyaarad gaara oo madaxweynaha toos u geyndoonta dalka Kuwait, halkaas oo la filaayo in madaxweynuhu kulan kulayeeshi Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo isagu madaxweynaha u fidiyey martiqaadka.

Madaxweynuhu intii aanay ka dhoofin madaarka Egal International, waxa uu Qasriga Madaxtooyada dhexdeeda salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaran Somaliland.

Xubnaha Madaxweynaha ku Wehelinaayey Safarka

Marwada Madaxweynaha Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi,

Maareeyaha Dekeda Caalamigaa ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)

Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

COMMENTS
Latest News