Hangoolnews.com
Jaamcada Cararbta Oo Ururka Xisbullah Ku Dartey Liiska Ururada Argagixisada
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Kulankii Jimcihii doraad ka dhacay magaalada Qaahira ee Wasiirada Arrimaha Dibada ee Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray war sheegaya in Jaamacada ay ururka Xisbullah oo saldhigiisu yahay dalka Lubnaan loo aqoonsaday inuu yahay koox argagaxiso ah.

Go’aanka kasoo baxay Jaamacada Carabta ayaa daba socda go’aankii dhawaan kasoo baxay dalalka Khaliijka oo kooxdaasi Shiicada ku tilmaamay urur argagaxiso ah.

Wadamada Jaamacada Carabta ayaa intooda badan u codeeyey go’aankan marka laga reebo wadamada Lubnaan iyo Ciraaq oo iyagu diiday go’aankan.

Dawlada Sacuudiga oo awood badan ku dhex leh ururka Jaamacada Carabta ayaa olole ugu jirta sidii go’doon loo gelin lahaa xisbullah oo kamid ah kooxaha ka dagaalamaya wadanka Siiriya ee gacanta militari siinaya xukuumada Bashar Al Assad.

Go’aanka kasoo baxay Qaahira ayaa sidoo kale daba socda maalmo kadib markii dowlada IRAN oo ah mida iyadu dusha ka hagta xisbullah ay tijaabisay gantaalo ridada dheer oo la sheegay inuu digniin u ahaa Isra’iil iyo dalalka kale ee Carabta ee cadaawada u haya IRAN.

COMMENTS
Latest News