Hangoolnews.com
Hab-Dhaqanka Aan La Mahadin Ee Muuse Biixi Oo Gayaysiiyey In Uu Waayo Taageeradda Salaadiinta Beeshiisa
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna musharaxa madaxwayne ee xisbiga Kulmiye ayaa tan iyo intii uu olalaha u galay sidii uu u noqon lahaa musharaxa xisbiga Kulmiye waxa  si badheedh ah ugu soo hor jeestey suldaankiisii guud Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahu Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi Cabdi in aanu qaadan Doonin talooyinka odayaasha waxgaradka iyo salaadiinta kale ee sida toos ka ah u hoos taga Sulodaanka Guud ee Subeer Awal,

Photo File Muuse askari

Photo File Muuse askari

Shacabka Somaliland ayaan intiisa Badan gaar ahaan kuwa siyaasada indho indheeya ayaa waxay arintani ku tilmaamayaan mid daciifnimo ama liitinimo siyaasadeed ku ah ninka u hanqal taagaya in uu hogaamiyo mustaqbal Qaranka Somaliland,

Waa Maxay Sababta uu Suldaanka Guud uga soo hor jeestey Muuse Biixi?

  • Muuse Biixi Cabdi oo aan tix galin wayn u hayn dhaqan Suldaanimo
  • Isaga oo isku qanciyey in anu wax cod ah uga baahnayn ama aanay u hayn salaadiiniisu
  • Isaga oo beesha uu kasoo jeedo ee Sacad Muuse wax kasta oo lidi ku ah isagu danahiis gaarka ah ka dhex eegto
  • Suldaanka guud oo ay isku hayb dhow yihiin una arko in aanu wax saamayn ah ku dhex lahayn haybtooda hoose
  • Dhaqanka Muuse oo ah mid Bilaa tix galin ah oon dadka maamuusin
  • ad-adkaan,kalitalisnimo, iyo isla wayni

Lasoco qaybo kale oo ka mid qoraalada hab-dhaqanka muuse biixi oo gayeysiisey in uu waayo taageeradda suldaanka guud iyo salaadiinta kale ee beesha uu ka soo jeedo.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News