Hangoolnews.com
Guddoomiye Cirro Iyo Xisbiga Waddani Maku Guulaysan Doonaan Kasbashada Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye Mise Waxaa Dabri Doona Duruufaha Ku Xeeran?
March 14, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:- isbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa wadahadalo la furay Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE, oo miisaan xoogan oo siyaasi ah ku leh bulshada dhexdeeda. In kasta oo laba todobaad  ay ka soo wareegtay  wakhtigii ay labada dhinac (Isbaahaysiga KUlMIYE Iyo WADANI) yeesheen kulan koodi ugu horeeyay ee fool ka fool ah, hadana waxay dad badani is waydiinayaan Xisbiga WADANI iyo Guddoomiyaha hoggaamiya ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ma ku guulaysan doonaan kasbashada Xubnaha Isbahaysiga KULMIYE mise waxaa dabri doona duruufaha ku xeeran.

Photo File Isbahaysiga

Photo File Isbahaysiga

Su-aasha ugu badan ee dadka Siyaasadda ka falooda tafaasiilo kala duwan ka bixiyaan ayaa ah. Waxyaabaha    Xisbiga WADANI u bandhigi doono xubnahaas si ay ugu biiriyaan cududooda Siyaasadeed.

Geesta kale Xisbiga UCID oo isagu uga horeeyay wadahadalka xubnahaas dhigiisa WADDANI ayaa wali ku mashquulsan xod-xodashada siduu u soo xero gashan lahaa Isbahaysiga KUlMIYE, waxaana dalka dib ugu soo laabtay Murrashax Maxamed Biixi Yoonis oo wali wararku sheegayaan in aanu ka laabaan damiciisi Murrashaxnimo ee sababta u ahaa Khilaafyadi hadheeyay KULMIYE, in kasta oo Xisbiga UCID uu Murrashax u yahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, hadana waxaan meesha ka madhnayn warar kala duwan oo sheegaya inuu fikirka odhanaaya Murrashaxnimada halagu tartamo uu qabo  Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Jamaahiirta taageerta Xisbul Xaakimka KULMIYE ayaa iyaguna wali sii jaleecaaya Siyaasiyiinta Isbahaysiga oo ay muddo dheer isku jaal soo ahaayeen, dhammaan qodobadaasi waxay Xisbiga WADANI ku riixayaan inuu go’aan taariikhiya qaato haddii uu Xooga saraayo hanashada Siyaasiyiintaas.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News