Hangoolnews.com
Magalada Burco Laga Daremayo Biyo La-aan Baahsan Iyo Shirkado Gaar Ah Oo La Waregay Shaqadii Wakaalada Biyaha Burco
March 13, 2016 - Written by Hangool News

Hargeisa(Hangoolnews) Magalada burco ee xarunta gobalka togdheer ayaa waxa biyo la-aan baahsan laga daremayay tan iyo wakhtigii maamulka wakaladaasi gacanta loo galiyay maamulka cusub ee loo dhiibay wakalada biyaha burco. Qaar ka Tirsan Xafadaha magalada burco oo wakhtigii hore markasta heli jiray biyo hadh iyo habenba socon jiray ayaa wakhti xadirkani waxa la soo deristay qaybo ka mid ah xafadaha burco biyo la-aan baahsan, Biyo la-aantani ku dhacday qaybo ka mid ah Xafadaha magaladda burco ayaa waxay sabab u noqotay in shirkadaha gaarka ah ee biyaha galiya xafadaha burco ay isku baladhiyeen Xaafado ay Hore uga mamnucday wakalada biyuhu inay gadhsiyaan biyaha, Dhinaca kale Wararka ay Helayso Saxafadu ayaa shegaya in qaybo ka mid ah Mashinadii soo saari jiray biyaha ee ku xidhnaa Ceelasha ay Fadhisteen ilaa iyo imika masuliyiinta wakalada biyaha burco kamay hadlin sababta keentay biyo la-aanta soo wajahday magaladda burco, Sidoo kale waxa iyaduna Maalmihii u danbeyayba Wakalada biyaha burco laga daremayay dhaqdhaqaaq La-aan soo wajahday wakalada biyaha taasi oo la shegay inay sabab u tahay dakhli la-aan soo wajahday wakalada biyaha, Ugu Danbayntii Wakaladda biyaha burco ayaa laga war sugayaa Tala,

Hangoolnews.com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News