Hangoolnews.com
Ciidamada RRU da Oo U Dhacay Guriga Ay Magaalada Berbera Ka Degan Tahay Marwo Saado Jaamac Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani
March 13, 2016 - Written by Hangool News
Photo File Rru Da

Photo File Rru Da

Berbera(Hangoolnews)Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee magaalada Berbera ayaaa hebeenkii xalay ahaa gurigeeda ugu dhacay marwo Saado Jaamac oo loo yaqaano Saado dheer,taas oo ka mid ah saaraakiisha Xisbiga WADDANI ee gobolka Saaxil,waxaana la sheegay in ay ciidamadu qasaare soo gaadhsiiyeen agabkii gurigeeda,isla markaana ay xabsiga dhexe ee magaalada Berbera u taxabeen Marwo Saado .

Xadhigan ay ciidamadu kula kaceen marwo saado Jaamac Aadan iyo weerarka mirta ah ee ay ku qadeen gurigeeda habeenkii xalay ahaa, ayaan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn waxa uu ka dhashay ,balse warar naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa sheegay in ay saaxiib dhaw la ahayd Marwo Aamin Waris,hase-yeeshee hadda markii ay ku biirtay Xisbig WADDANI ay ka cadhootay Aamina-waris, waxaana la sheegay in ay falka xadhigga iyo weerarka ah ee ay ciidamada RRU-du ku qaadeen guriga Saado Jaamac Aadan ay soo abaabushay Aamina waris.

Dhanka kalena qaar kamid ah qaraabada Marwo Saado Jaamac oo warbaahinta la haddlaya ayaa sheegay in ay ciidamada RRU-du xalay saqdii dhexe ay ugu soo daateen gurigooda”Garanmayno Meel Ay La Adeen hooyo Saado, Xalay Saqdii Dhexe Ayey Ciidan Afka-Duubani Noogu Soo Daateen Guriga Anagaa Hurudna ,Guriga Oo Dhan wey Baadheen,Alaaab baadan Ayey Bur-biriyeen’

Ugu damabayn Madaxtooyada iyo Xisbiga KUMLIYE ayaa muddooyinkii ugu dambayeeyey weeraro kala duwan oo hinaase ah, ku qaadayey masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbigga WADDANI,gaar ahaan kuwo iyagga ka soo soo digo rogta.

Hangoolnaws.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News