Hangoolnews.com
Cabdirashiid Xassan Mataan Muxu Ka Yidhi Xilkii Uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani U Magacaabay
March 13, 2016 - Written by Hangool News
Photo file Xoghayaha Warfaafinta Waddani

Photo file Xoghayaha Warfaafinta Waddani

Hargeisa(Hangoolnews) Xoghayaha warfaafinta xisbiga Wadani Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa maanta ka hadlay sida uu arko xilka xoghayaha warfaafinta ee uu dhawaan gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cirro u magaacabay.

Waxaana uu  sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkaasi,sidoo kalena uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato kaalin kaste oo wax tari karta xisbiga iyo qarankaba, sidoo kalena waxa uu ka dhawaajiyay Cabdirashiid Xasan Mataan in ay kawada hadleen masuuliyiinta wadani magaacaabista xilkan waxaana uu yidhi,

“Sidaad ka warqabteen waxa dhawaan lay magacaabay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga wadani oo uu baneeyey saaxiibkay Boobe Yuusuf Ducaale, magacaabistaydana waxay ka danbaysay wadatashi balaadhan oo laga wadayeeshay buuxinta jagaaddan oo muhiim u ah xisbiga waanan ku faraxsanahay inaan ka qayb qaato kaalin kaste oo layga baahdo oo wax u tari karta xisbiga iyo qaranka labadaba”Sidaas ayuu  yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Waxaan cadaynayaa inaanay ahayn xil madhan, isla markaana ay jirto xurmo badan, wadatashi, iyo isqadarin xisbiga gudahiisa ah iyo hogaankiisaba waanan ku faraxsanay xilkaa uu gudoomiyaha xisbiga Wadani ii magacaabay’Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Hangoolnaws.com

Hargeisa/office

COMMENTS
Latest News