Hangoolnews.com
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Baacsanaya Shaqaalaha Ka Hawl Gala Aqalka Madaxtooyadda ee Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd
March 12, 2016 - Written by Hangool News
Photo File W/Madaxtooyada vs Gobolka Hawd

Photo File W/Madaxtooyada vs Gobolka Hawd

Hargeysa(Hangoolnews)Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa tan iyo markii loo magacaabay wasaaradaasi waxa uu si toosa ah ugu tafo xatey baacsiga iyo badelka masuuliyiinta ka hawl gala Madaxtooyada Somaliland ee ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd,

Iyada oo tan iyo xiligii uu la wareegey xilka wasaaraddaasi waxa uu meesha ka saarey masuuliyiin ay tiradoodu gaadhayso ilaa iyo afar masuul oo mudo dheer ka hawl galayey aqalka madaxtooyada,

Masuuliyiinta uu wasiirka Madaxtooyadu guud ahaanba Aqalka Madaxtooyada Ka Badelay ayaa waxa ka mid ah,

1-Agaasimihii madaxtooyada ee waaxda maamulka gaadiidka,

2-Agaasimhii Shaqaalaha Madaxtooyada

3-Xog,hayahii Golaha Wasiiradda ahaana Xog,haynta labaad ee Madaxwaynaha Somaliland.

Badalka masuuliyiintan Degmada Axmed Dhaxax iyo gobolka Hawd ayay ka danbaysay sida ay warar xog ogaal ahi u sheegayaan Shabakada Caalmaiga ah ee Hangoolnews in uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Wacad ku maray in aanu arki karayn masuuliyiin kasoo jeeda degmada Axmed dhagax iyo guud ahaan gobolka hawd oo ka shaqeeya qasriga madaxtooyada Somaliland ee uu haatan isagu wasiirka ka yahay,

Ilaa iyo haatan lama garanaayo qorshaha wasiirka madaxtooyada ku kaliftey in uu ugaadhsado masuuliyiin kasoo jeeda gobolkaasi Hawd hase yeeshee dadwaynaha gobolkasi ayaa iyagu la socda isla markaana si guud iyo si gaara isha ugu haya siyaasada daciifka ah ee wasiirka madaxtooyadu iyo colaada ay ku ladhan tahay nacaybshiyaha xad dhaafka ahi ee uu ula badheedhay Masuuliyintaasi.

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News